Dowladda Oo Sheegtay In Xubno Ka Tirsan Al Shabaab Ay Ku Dileen Janaale

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Janaale ay Ciidanka Danab ee xoogga dalka ku dileen lix xubnood oo ka tirsan dagaalamyaasha Al- Shabaab una qaabilsanaa deegaannadaasi, sida lagu qoray wakaaladda Sonna.
Xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa laba sarkaal oo kala ahaa Siciid Dheere oo ahaa sarkaal Al Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale u qaabilsanaa iyo Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale, waxa ayna sidoo kale ciidamada Danab dileen afar xubnood oo kale, sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin.
Howgalka ciidanka xoogga dalka ay kula wareegen magaalada Jannaale ee gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa qayb libaax ka qaatay ciidamada Danab iyo Gor-gor oo ka wada tirsan xoogga dalka, si wadajir ahna u howlgalayay.
Shalay ayey ahayd markii si buuxda ciidanka dowladda ay ula wareegeen magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose oo muddo fog ay ka arriminayeen dagaalamayaasha Al shabaab.
Goobjoog News
Rrsuvt frsfll cialis generic best price cialis manufacturer coupon 2019
Pjglvz yhxsdk Buy viagra with discount generic cialis india
Uprfrb jdietp Order viagra prices of cialis
Zytjcz eanvox cialis for sale how to get cialis