U bood dhigaalka

Dowladda oo Sheegtey in ay Dib u Dhiseyso Hotel Curubo

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta, hidaha , dhaqanka iyo dalxiiska dowladda dowladda federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kormeerey Hotel Curubo oo ka mid ahaa hoteeladii Soomaaliya ugu caansanaa oo balse hadda burbursan.

Wasiirka ayaa sheegey in dowladda ay waddo qorshe ay ku dhiseyso hotel Curubo si buu yiri looga maarmo hoteelada gaarka loo leeyahay ee dowladda ay kireysato marka ay shirarka qabanayso.

“Hotelka Curuba dowladda waxa ay dooneysaa in dib u dayactir lagu sameeyo, si loogu qabto shirarka muhiimka ah, laguna soo dhaweeyo dalxiisayaasha, waxaana sidoo kale la sameynayaa meel ay ku soo xirtaan doonyaha dalxiiska, runtii Hotelkan waxa uu marti gelin doonaa madaxda caalamka ee soo booqata dalka, hotelkan ahmiyad weyn ayuu ugu fadhiyaa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka.

Hotel Curubo ayaa waxaa soo gaaray burbur baaxad leh, una baahan dayactir balaaran.

Goobjoog News