U bood dhigaalka

Dowladda oo Sheegtey In Aysan Marnaba Ogolaan Doonin Darbiga Ay Kenya Ka Dhiseyso Xadka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn Darbiga ay Dowladda Kenya sheegtay inay ka dhisayaan xadka somaliya ay la wadaagto Kenya.

Madaxweynaha ayaa xusay inaysan Jirin Xiligan Muhiimad Aduunyadu uga raali Noqoto in darbigaasi la dhiso weaxaana uu shaaciyay inaysan Marnaba Ogolaan doonin dhismahaasi ay ku taamayaan madaxda Dowladda Kenya.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dowladda Kenya ay ka hadashay muran kale oo xagga xudduuda badda ah oo kala dhaxeeya Soomaaliya lagu xalinayo si hoose, dowladda Soomaaliyana ay balanqaaday in ay la laabato dacwad maxkamadda adduunka oo ay ka geysey Kenya.

Goobjoog News