U bood dhigaalka

Dowladda oo Shir Ka Dhacaya Garowe Matalayaal U Dirsatay .

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal gaaray wafdi uu hoogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled Khadar , halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir uu dowladda ku matalayo .

wafdiga Mahdi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa waxa uu dowladda uu ku matali doona shir sanadeedka machadka Heritage oo lagu qaban doonno magalada Garowe.

socdaalka ayaana waxaa ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta Cisman Dubbe iyo xubna ka tirsan xukuumadda.