U bood dhigaalka

Dowladda Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Guriceel

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ayaa si rasmi ah ula wareegay magaalada guriceel ee gobalka galgaduud oo maanta dagaal saacada qaatay uu kula dhex maray iyaga iyo ururka Ahlu-sunna.

Dagaalka oo saaka waabarigii hore ka bilaawday magaalada ayaa goordhaw soo gaba gaboobay iyadoo magaalada gebi ahaan ay isaga baxeen ciidamadii ururka Ahlu-sunna.

Ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug iyo kuwa dowladda ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta iyo amniga guud ee magaalada guriceel.

Maamulka galmudug ayaa dhankooda shaaciyay in ay si rasmi ah magaalada ugu jirto gacanta dowladda .

Goobjoog News