U bood dhigaalka

Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaal Ka Socda Deegaan Hoostaga Buulo Burde

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka gobolka Hiiraan oo howlgallo ka wada deegaanno hoostaga degmada Buulo Burde ayaa weerar ku qaaday deegaanka Yadooman, halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidanka huwanta ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoo ciidanku horey howlgal ay kula wareegeen deegaanno kale.

Dowladda federalka ah oo qoraal kooban kasoo saartay ayaa waxaa ay ka sheegatay guulo dagaalka ka dhacay deegaanka, iyadoo sidoo kale qoraalka lagu xusay in ciidanku ay ku dhowyihiin ay gabi ahaan la wareegaan Yasooman, oo kamid ah deegaannada dhowr-kii sano ku jiray gacanta Al-shabaab, howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayo xildhibaan Cabdi Maalik.

Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ayaa waxaa ay sidoo kale 48-dii saac ee ugu dambeysay waxaa ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, taas oo muddo ay go’doomiyeen Al-shabaab, sida Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, ciidanka ayaa sidoo kale howlgallo ka wada bariga gobolka Hiiraan.

Howlgallada ka socda gobollada qaar ee dalka ayaa waxaa iska kaashanaya ciidanka dowldda iyo dadka deegaanka oo iskood isku abaabulay, ciidanka xoogga  ayaa sidoo kale saacadihii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud, iyagoo sheegay in u jeedkoodu yahay sidii ay ku gaari lahaayeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. May be an image of text