U bood dhigaalka

Dowladda Oo War Kasoo Saartay Hoobiyeyaal Ku Dhacay Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysa Hoobiyeyaal shalay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo khasaare geystay.

War-saxaafadeed kaasoo baxay dowladda, laguna baahiyey warbaahinta DFS ayaa lagu sheegay in weerarada sidaas oo kale ah aanay wax u dhimi doonin amniga Muqdisho.

War-saxaafadeedka sidan u qornaa:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018,waxayna Dowladda Federaalka tacsi tiiraanyo leh direysaa Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka,iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

Sidoo kale,Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida deg deg ah ay uga jawaabeen dhacdada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku celineysaa in falalka argagixisanimo aysan Soomaaliya ka saari doonin waddada nabadda iyo dhismaha dawlad-goboleedyada, waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa sida ay uga go’antahay inay dhisto mustaqbal ammaan ah oo barwaaqo ah.