U bood dhigaalka

Dowladda oo War Kasoo Saartay Howlgal Laga Sameeyay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay howlgal ay siwadajir ah ay u fuliyeen ciidanka Sirdoonka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera, kaas oo wasaaraddu sheegtay in lagu beegsaday dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab, qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Howlagalkaan ayaa wasaaraddu sheegtay in lagu dilay 10 ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay dowladda, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Buurweyn oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo ay ka socdaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

May be an image of textGoobjoog News