U bood dhigaalka

Dowladda Qadar oo safaaradeeda dib uga furaneysa Muqdisho

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”32″]

Dowladaha Soomaaliya Iyo Qadar ayaa Maanta oo Sabti ah ka wada hadlay dib u furida safaaradii dowladda Qadar ay ku lahayd dalka.

Hadalkan ayaa yimid markii Wasaaradda arrimaha Dibada xukuumadda federaalka Soomaaliya kulan uu ku dhax maray Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Federaalka mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle iyo sii haya xilka Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng Hasan Hamza.

Kulanka labada dhinac ayaa lagu soo hadal qaaday wanaajinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Bayle ayaa u sheegay sii haya xilka Safaaradda in Dowlada Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka Tariikheed ee fog ee labada dal.

Dowladda Qadar waxa ay ka mid tahay Dowladaha Carabta ee taageerada u fidaya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dalal dhowr ah ayaa Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka dib uga furtay safaaradahooda sanadihii u dabeeyay sida dalalka Jabuuti, Liibiya, Suudaan, turkiga, Iiraan, Sucuudiga, Imaaraadka iyo kuwo kale, waxaa kaloo jira dowlado ku dhawaqay inay dib safaaradahooda uga furan doonaan Muqdisho.