U bood dhigaalka

Dowladda Qatar Oo Cambaareysa Qaraxii Ka Dhacay Baraawe, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa si kulul waxay u cambaareysay qarax galabtii Khamiista ka dhacay garoon lagu ciyaaro kubadda oo ku yaalla magaalada Barawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay aad uga xuntahay Qaraxaasi, islmarkaana ay iyaga kasoo horjeedaan beegsiga dadka shacabka ah.

Waxay Qatar ay tacsi u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in ka dowlad ahaan aysan raali ka ahayn gacan ka hadal iyo dilalka la xiriira falalka argagaxiso ee aan ulajeedka lahayn.

Qaraxan ka dhacay Baraawe ayaa ahaa Miino lagu aasay goob lagu ciyaaro kubadda cagta, waxaana ku dhintey Afar qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale.

Goobjoog News