U bood dhigaalka

Dowladda Qatar Oo Dacwad Ka Dhan Ah Dalalka Xiriirka U Jaray U Gudbisay Ururka Ganacsiga Caalamiga ah

Sheeko:Dalka

Dowladda qatar ayaa dacwad ka dhan ah dowladaha xiriirka u jaray u gudbisay ururka ganacsiga caalamiga ah, dacwadaas oo la xiriirta go’doominta ay wadaan Sacuudiga,Imaaraadka iyo Baxreyn.

Dhanka kale  haddii la gaari waayo xal waara inta lagu gudo jiro 60 maalin, arrinta waxaa la wareegaya  guddi ka socda uruurka ganacsiga caalamiga ah.

Dowladda Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa xiriirka waxay u jareen dowladda Qatar 5 June iyaga oo ku eedeeyay in dooxa ay taageerto ururada argigixisada ah.

Dowladahaan ayaa sidoo kale waxay ku amreen muwaadiniinta u dhalatay Qatar in ay iskaga baxaan dalalkooda muddo 14 bari ah.

Dowladda Iran oo xulufo la ah Qatar ayaa waxaa lagu tiriyaa in Sacuudiga ay kula tartameysaa awoodda gobolka.

Goobjoog News