U bood dhigaalka

Dowladda Qatar Oo Go’aan Ka Gaartay Muwaadiniinta u Dhashay Dalalka Xiriirka U Jaray

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa shaacisay go’aankeeda ku aadan muwaadiniinta u dhashay dalalka Xiriirka u jaray ee ku sugan dalkeeda, iyada oo sheegtay in aysan ceyrin doonin muwaadiniinta ka soo jeeda dowladahaasi, sidaa waxaa daabacday wakaaladda wararka ee Qatar.

Dowladda Qatar ayaa waxay hoosta ka xariiqday in aysan qaadi doonin wax tilaabo ah oo ka dhan ah muwaadiniinta ku sugan Qatar kuwaas oo is kugu jira shaqaale iyo dad caadi ahaba.

Hadalkaani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dowladaha xiriirka u jaray dowladda Qatar ay u qabteen muwaadiniinta u dhalatay dowladda Qatar in  muddo labo isbuuc ah uga baxaan dalalkooda.

Dowladda Qatar ayaa waxay ku eedeynayaan dowladaha xiriirka u jaray  inay taageero u fidiso kooxaha Islaamiyiinta ah .

Dhinaca kale dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn  ayaa waxay soo dhaweeyeen hadalkii madaxweynaha Mareykanka D. Trump oo ahaa in dowladda Qatar ay joojiso maalgalinta kooxaha islaamiyiinta ah.

Goobjoog News