U bood dhigaalka

Dowladda Qatar oo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ku Wareejisay Agab Caafimaad

Sheeko:Caafimaadka

Diyaarad ciidan oo ay leedahay dowladda Qatar islamarkaana sidday qalabka looga hortago faafitaanka cudurka COVID 19 ayaa galabta soo cagadhigatay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaasi la wareegtay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda .Federaalka. Soomaaliya Fowziyo Abuukar Nuur.

Munaasabaddii deeqdaasi lagula soo wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ay ku leedahay Muqdisho.

Fowziyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo la wareegtay deeqda ayaa dowladda Qatar uga mahadcelisay kaalmadan oo ay tilmaantay in ay ku soo aadday waqti loo baahnaa.

Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka qaadaneysa dadaallada ay  dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus.

Goobjoog News