U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Filand oo Ka Wadahadlay Hormarinta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta xafiiska ku qaabiley madax ka socotey Hey’adda Horumarinta Finland. Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Wisiir ku Xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Qaar kamida Latalyayaasha.

Mauri Starckman Madaxa Hey’adda Horumarinta Finland ee Soomaaliya ayaa Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomalaiya uga Warabixiyey  taageerada Dowladda Finland siiso Soomaaliya iyo Mashaariicda lagu horumarinayo Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee ay gacanta ka geystaan.

Finland ayaa ka mida Dowladaha taageera Soomaaliya qeybna ka ah barnaamijyadda lagu horumarinayo Caafimaadka gaar ahaan qeybta Caafimaadka Qoyska iyo tayeynta Shaqaalada Caafimaadka ee u gaarka ah Midwifery-ga ee ka howlgala xarumaha Caafimaadka ee ay maamusho Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Finland waxay door muuqda oo muhiim ah ka ciyaartaa ka qayb qaadashada horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya, si loo horumariyo loonna daboollo Caafimaadka caalamiga ah iyo guud ahaan dhanka yoolalka la xiriira caafimaadka iyo Horumarinta xalka Waara Family Health taas oo ah Shaqo xudun u ah iskudabaridka Taranka.

Wafdiga iyo Madaxda Wasaaradda ayaa isla gartey dardargellinta Mashaariicda ay taageeraan ee ay hadda gacanta ku hayaan iyo in taageeraddoodu gaarto qeybaha Caafimaadka Dalka oo dhan iyo in ay qeyb ka moqdaan Barnaamijka dhismaha xalka waara ee qeybta Caafimaadka Guud.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa bogaadiyey kaalinka muhiimka ah ee Dowladda Finland ay markasto la garab taagan tahay Soomaaliya iyo sida ay uga qeyb qaadanayaan in la horumariyo Caafimaadka Dalkeena, Wasiirka ayaa sidoo kale xusey in muhiim ay tahay ay tahay xoojinta qeybka Finland ay Soomaaliya ka taageerto iyo dardar gellinta Mashaariicda ay Wasaaradda ka caawiyaan si loo hello isbadal dhab ah oo qeybta Caafimaadka ah.

Goobjoog News