U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda Culumada oo Shaaciyey in Bari Ciid Tahay

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in maalinta barito ah oo maalin ah ay tahay Ciidul Fidriga , taasi oo loo dabaaldego dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadhaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Ciidul Fidriga, isaga oo u rajeeyey in ay si nabad ah ku ciidaan.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna shaacisey in maalinta bari ah ay tahay maalin ciid.

Dhinaca kale hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisey in bishii soonfur la arkay, baritana tahay maalin ciid ah.

Qof ka mid ah dadka arkay bisha oo ku sugan deegaanka Mareereey ee Shabeelada Hoose oo lasoo xiriirey ayaa Goobjoog FM u xaqiijiyey in uu isaga indhihiisa ku arkay bisha.

Goobjoog News waxa ay dadweynaha Soomaaliyeed ugu bishaareyneysaa maalinta ciidda, waxaanan idin leenahay Ciid Wanaagsan.

Goobjoog News