U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Midowga Africa oo Ka Wadahadlay Adkeynta Amniga

Sheeko:Amniga
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo  modowga Afrika, kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabasan amniga iyo taageerda ay siiiyaan ciidanka xoogga dalka.
Kulankan ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid, ku simaha midowga Africa Marwo Fion Lortan, Gen. DIOMA NDEGEYA, Madaxa hoggaanka arrimaha dibada gaashaanle dhexe Iiman Elman iyo madaxa hoggaanka qorsheynta dhamme Cabdulaahi Dheere.
Kulanka ayaa waxaa intii uu socday sidoo kale diiradda lagu saaray,  dar-dargelinta howlaha wasaaradda iyo taliska ciidanka xoogga ee dhameystirka barnaamijka howlgalka ATMIS ee ciidanka xooggada dowladda Soomaaliya  dhowaan la filayo in ay amniga guud ee dalka si buxda ugu wareejiyaan mas’uuliyaddiisa.
Howlgalka midowga Afrika oo ay taageeraan midowga Yurub ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu waday barnaamijka sidii ciidanka xogga dalka ugu wareejin lahaayeen amniga guud ee dalka, waxaana hoos loo dhigay howlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana loo bedelay ATMIS oo ka shaqeynaya sidii amniga ciidanka xoogga loogu wareejin lahaa.
Goobjoog News