U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo 178 Muwaadin Dalka Dib Ugu Soo Celisay

Sheeko:Amniga
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, ku xanibmay dagaalka ka socda dalka Suudaan, iyadoo 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho halka 45 muudin oo kalena laga dajiyay Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, halkaas oo soo dhoweyn loogu sameeyay.
Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirada arrimaha dibadda,wasiirka Waxbarashada,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan, waxaana xusid mudan in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed aysan wali soo gaarin xadka dalka Itoobiya, halka kuwa kale ay ku xayiran yihiin xuduuda Itoobiya, iyaga oo suga in dalka dib loogu soo celiyo markale.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ku boggaadiyey shaqada ay qabteen guddiga soo celinta muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka Suudaan, ayaa sheegay in Xukuumaddu dadaal xoogan galinayso sidii  muwaadiniinta kale ee  Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan ay si nabad ah dalka ugu soo celin doonto, waxaana sidoo kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa wasiirrada  arrimaha dibadda iyo Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.
Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan oo galay asbuucii 4-aad ayaa waxaa uu saameynta ugu badan uu ku yeeshay muwaadiniinta dalkaas iyo kuwa ajaanibta ah ee waxbarashada u joogay dalkaas, waxaa Sudan wax ka baran jiray kumaanaan arday ah oo ka kala yimid wadamo ku yaalla qaaradda Afrika iyo Jaziiratal Carab.
May be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 10 people and aircraftMay be an image of 7 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 people and aircraftMay be an image of 6 people and aircraftGoobjoog News