U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Baladwene Gaarsiiyey Agab Lagu Xakameynayo Fatahaada Webiga

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo goor dhaw la hadlay hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay wado dadaalo looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle e Magaalada Baladweyne .

“Waxaa goordhaw  Garoonka diyaardaha aadan Cade  ee Magaalada Muqdisho ka amba baxay diyaarad siday saambaagyadda loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga shabeelle ee magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan” sidaas ayuu yir Wasiir Boostada Eng.Cabdi Canshuur Xasan.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay wasiirka Boostada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga shabeele ay ku tageen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Buslhada Magaalada Baladweyne ayaa cabsi xooga soo wajahday markii uu qeybo ka ka mid ah Magaalada uu Fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle waxaan jira dadaalo ay iska kaashayaan Maamulka Gobolka Hiiran iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku aadan sidii looga hartagi lahaa qasaaro ka dhasha Fatahaad iuu sameeyay wabiga iyadoo la ogyahay qasaarihii uu geystay sanadki tagay.

Goobjoog News