U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Cambareysay Duqeyn Diyaaradaha Kenya Ka Geysteen Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dowqeymo ay diyaadaha Kenya ka geysteen deegana hoostaga gobalka Gedo .

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.”

Duqeymahan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah , xilli muddooyinkii u dambeyay uu aad u xumaa xiriirka labada dowladood.

 

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.