U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dadaal Xooggan Ugu Jirta Sidii ay Al-shabaab Uga Saari Laheyd Dalka.

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa booqasho kooban ku tagay xarunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland halkaa oo kula kulmay madaxda hoggaamisa maamulka, dhaqanka, iyo saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Ujeedka ugu weyn ee madaxweynaha ayaa ah sidii ay maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe uga wadashaqeyn lahaayeen la dagaalanka Al-shabab. Madaxweynaha ayaa intii uu joogay shirka golaha wasiiradda maamul goboleedka waxaana looga hadlay dib u xoreynta deegaanada ku jira gacanta Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlay masjid ku yaal Kismanyo ayaa yiri “waxaa doorbidnay in aan xalino mushkilidaha ay xal u keeneyso xalintooda kuwa kale, waxaana ka mid ah xoreynta dalka oo ah in Al-shabaab laga saaro dalka.”

Dhawaan ayaa la filayaa in dalka ay soo gaaraan ciidamo ka socda wadamada safka hore oo aan aheyn ATMIS kuwaa oo qeyb ka noqonayaa hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas horay madaxweynuhu u sheegay in laga bilaabayo deegaannada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xuseen Sheikh Maxamuud, Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Xasan Shiekh ayaa VOA u sheegay in ay jiraan ciidan aan aheyn ATMIS oo ka imaanaya wadamada safka hore si ay Soomaaliya uga caawiyaan dib u xoreynta deegaanada Al-shabaab heystaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay taageero caalami ah si dalka Al-shabaab Meesha uga saarto. February 23, 2023, Taliyaasha ciidamadda dowladaha dariska la ah Soomaaliya ayaa waxay heshiis hawgal ku kala saxiixdeen Nairobi.
Horaantii February waxay Soomaaliya ku cansuuntay Muqdisho madaxda dowladaha dhulka dariska kala ee kala ah Ethoipian, Kenya, Djibouti si ay ugu tashadaan la dagaalanka Al-Shabaab waxayna go’aan ku gaareen in si wadajir ah loola dagaalamo kooxda oo si guud amni daro ugu heysa dalalkaan.

Ciidanka dowladda ayaa ka saaray Al-shabaab meelo badan oo ka mid ah Galmudug iyo Hirshabeelle.
Al-Shabaab ayaa soo shaacbaxay 2007 kadib markii ay dalka soo galeen ciidamo ka socday Ethoipia oo ay hoggaamineysay dowladda ku meel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay Kenya.

Goobjoog News