U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dalka Ku Soo Celisay Muwaadiniin Ku Xayirnaa Sacuudiga

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xayirnaa wadanka Sucuudiga tan iyo markii dunida safakeeda uu kala xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19 iyadoo dowladdu horay u soo celisay muwaadiniin ka soo horeeyey kuwa maanta soo gaaray dalka oo horay loo keenay.

Diyaaradda maanta soo cagadhigatay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ay tahay diyaaradii afaraad oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga, iyadoo sedex jeer  horay  loo keenay muwaadiniin  magaalada Muqdisho, diyaaradda galab soo gaartay garoonka waxaa ay sida shacab  gaaraya 123 muwaadin.

Muwaadiniintaan lagu Soo celiyey dalka  ayaa  maalmihii la soo dhaafay laga soo daad gureynayay dalka Sacuudiga ayaana qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ka jawaabista baahiyaha bulshada iyo ku soo celinta dalkooda mawaadiniinta ku xiran wadamo dhowr kuwaas oo ka dilaacay caabuqa xanuunka Coronavirus.

Image may contain: 1 person, child and outdoor

Image may contain: one or more people, airplane and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Goobjoog News