U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Galabta Gedo Geysay Ciidamo Hor leh

Sheeko:Amniga

Dowaladda Soomaaliya ayaa maanta galinkii dambe waxaa ay ciidamo geysay gobolka Gedo, kadib markii dhowr diyaaradood ay ka degeen garoonka diyaaradaha degmada Dolow Soomaaliya, sida ay nagu soo gaarayaan wararka

Cidamadaan ayaa waxaa ay la bisan yiihiin dares ka duwan midkii lagu yaqaanay ciidamada xoogga dalka, waxaana markii ay garoonka tageen kusoo dhoweeyey sariikiil ka tirsan ciidamada oo kusugan gobolka lagu marmay ee Gedo.

Ciidaman la geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo maanta wadanka Jabuuti uu ka bilowday shir ururka IGAD ay kuwada hadalsiinayaan Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya oo cilaaqaadka kala rartay.

Ciidankaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ku biiraan ciidamo horay dowladda Soomaaliya ay u geysay xadka labada dal, kadib markii ay ku eedeysay in Kenya ay faragelin ku hayso maxadbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Goobjoog News