U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Guddi U Magacaawday Kiiska Ikraan Tahliil

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi saraakiil ka kooban u magacaawday kiiska Ikraan Tahliil oo la sheegay in ay afduubteen xubna ka tirsan taliska NISA.

Guddigan ayaa waxaa magacabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, waxa ayna gaarayaan xubnaha guddiga seddax sarkaal oo ka kala socda Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.

Gen. Kameey ayaa ugu baaqay in taliska nabad sugidda looga baahan yahay in uu la shaqeeyo saraakiisha inta lagu guda jiro baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd askariyad ka tirsan NISA.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in magaacabista guddiga ay ku timid kadib markii waalidiinta Ikraan ay furteen galdacawadeed ka dhan ah NISA.

Goobjoog News