U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Hirgalisay Xarunta Ka Digista Halis-wadareedka iyo Musiibooyinka

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab- dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.

Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

“Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xaruntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisa Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir oo ka mid ahaa masuuliyiin kormeer ku tagtay xarunta ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay mid ka mid ah guulaha wax ku oolka marka ay timaado wax ka qabashada iyo yareynta musiibooyinka sida abaaraha, fatahaadaha iyo dabeylaha.

”30 sano ayaa naloo sheegayay xog kala dhiman oo ku saabsan halisyada dhaca, mararka qaarna waxaa xogtaasi naloo sheegayay marka wixi dhici lahaa ay dhacaan, manta ka dib Dowladda Soomaaliya waxey, iyada oo adeegsaneysa agab horumarsan, ogaaneysaa sii odorasaysaa halisyada soo fool leh iyado oo loo diyaar garoobi karo waxna laga sii qaban karo.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayri.

Sadaasha iyo la socodka halis wadareedka ayaa xaruntan ka hor bixinayay hey’ado raacsan qaramada midoobay.Xaruntan ayaa la rajeynayaa in ay ka mid noqoto mashaariicda la dhammaystiray ee dhawaan ay xarigga ka jiri doonto xukuumadda Soomaaliya.

 

 

Goobjoog News