U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska TPLF iyo Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Jabhadda TPFL.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso heshiiska ay Tigrayga iyo dowladda dhexe ay kala saxiixdeen.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.” ayaa lagu yiri barayaan ka soo baxay DFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay Koonfur Afrika ay ku bogaadineyso dadaalada ay nabadda ka sameeyeen si miiska wadahalka la isugu keeno TPLF iyo Itoobiya.

“DFS waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska sii kordhinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.