U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Toddobaadka Ciribtirka Covid-19.

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan demmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee baasiga iyo ciribtirka Cudurka Karoona Feyrus si dalka oo dhan loogala dagaalamo .

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19.

“Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo caamir shakeeti.

Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinyay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafintaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan .

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurkaan covid-19 ee sameynta ku haaya dalka,waxaana dadaal walbo ay ku bixineysaa sidii ay uga hortagi laheyd “Ayuu ku celiyay wasiirka warfaafin Maxamed Cabdi Xiye Maareeye .

Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhamnaan degmooyinka Gobolka banaadir iyo gobolada dalka .

Goobjoog News