U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in shuruud la’aan ay kusii dayso wariyaasha Shabelle iyo SKY (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Idaacadda Shabelle iyo suxufiyiin maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u dalbaday in si sharuud la’aan ah loo sii daayo afarta wariye ee ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Shabelle Maxamed Muuse ayaa sheegay in ay dalbanayaan in cadaaladda loo hogaansamo oo wariyeyaasha xiran ay helaan cadaalad iyo xornimo, waxaana wariyeyaasha xiran ku jira milkiilihii Idaacadaha Shabelle iyo Sky FM.

Dhinaca kale Cabdulqadir Maxamed Faarax Dulyar oo kamid ah maamulayaasha xarumaha warbaahineed ee dalka ayaa sheegay in xariga wariyeyaashani uu ku noqday mid murugo ku beera.

Wariyaasha Shabelle iyo Sky Fm waxay xabsiga ku jiraan in ka badan 60 cisho, iyadoo ilaa hadda aanay maxkamad wax xukun ah ku ridin.

Halkaan hoose ka dhageeyso Shirka jaraa’id ee ay wada qabteen Suxufiyiinta iyo maamulka Radio Shabelle.

Goobjoog News