U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Munaasabad Sagootin ah u Saneysay António Guterres

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soodhaweynta.
Madaxweynaha Xasan ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ahi ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana uuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada iyo arrimaha kale.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa safar qaatay laba maalin waxaa uu ku joogaa Soomaaliya, isaga oo maalinimadii shalay booqasho ku tagay magaalada Baydhabo, hakaas uu kusoo arkay sida ay ka tahay xaaladda Bani’aadannimo oo ay wajahayaan dadka kasoo hayaamaya abaaraha iyo dagaallada socda.
“Soomaaliya waxaa haatan ka jirta abaarihii shantii sanno ee isxigxigay ee ugu darnaa taariikhda inta la ogyahay, waxaana rajeynayaa in roobka iman doonaa uu sii socon doono oo uu gacan ka geysan doono wax ka qabashada xaaladda aadka u adag ee ay abaartu dalka ka abuurtay” ayuu yiri xilli uu shir ja’raaid uu ku qabtay Muqdisho.
António Guterres, ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta ka ambabaxo dalka, waxaana uu balan qaaday in xaaladda uu ku arkay Soomaaliya uu caalamka u gudbin doono, waxaana dowladda Soomaaliya uu ku amaanay sida ay wax uga qabatay maareynta abaartii ku dhufatay qeybo badan oo dalka ah, taas oo weli ay muuqo dadadkii ay reebtay.
Goobjoog News