U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Muwaadiniin Hor Kale Dib Dalka Ugu Soo Celisay

Sheeko:Amniga

Dowaldda Federalka Soomaaliya ayaa markale dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo kasoo barakacay dagaalka ka socda dalka Sudan, muwaadiniintaan oo tiro ahaan gaaraya 93, ayaa waxaa laga soo kala qaaday magaalooyinka Addis Ababa iyo Juba ee South Sudan iyo Itoobiya oo ay gaareen, kadib markii ay ka barakaceen dagaalka, muwaadiniintaan ayaa u badan Arday iyo kuwa deegaan ku ahaa magaalada Khartoum.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Dibedda, iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa xalay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay 92 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.

“Waxaan caawa magaalada Muqdisho ku soo dhowaynay diyaarad sidday 93 Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo ka  soo  qaxay colaadaha dalka Sudan, kuwaasoo laga soo qaaday Caasimadda Koonfurta Suudan ee Jubba, 34 ka mid ah muwaadiniinta caawa Muqdishu ka soo degay ayaa ku wajahan gobollada dalka qaarkood, anagoo sii wadi doona caawintooda inta ay ku biirayaan   qoysaskooda” ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Duulimaadkan ayaa ah kii sadexaad ee shalay dowladda ku soo celisay dalka, iyadoo labo diyaaraddood oo siday 137 muwaadin ay ka kala degeen magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, taasoo tirada guud ee dalka lagu soo celiyay ka dhigaysa 230 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas halkaas ku noolaa, waana markii afaad todobaad gudihiisa dowladda ay kusoo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka yimid Sudan.

Sudan ayaa waxaa wali ka dhaqan galaysa xabadjoojin ay djinacyo isla garteen, waxaana muwaadiniinta kasoo laabanaya ay qeyb ka noqonayaan muwaadiniin badan oo dalkaas isaga baxay, kuwaas oointooda badan Arday Diblomaasiyiin iyo kuwa deegaan ah intaba ku ahaa magaalooyinka waa weyn sida caasimadda Khartoum iyo Umu Durmaan, waxaana socda wadahallo u dhaxeeya dhinacda oo ay garwadeen ka tahay dowladda Sucuudiga.

Goobjoog News