U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Qaad Ku Gubtay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Qaad ku gubtay guaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo si dhuumaaleysi ah loo soo geliyey, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada Garoonka diyaaaradaha Aadan Cade, xili lagu soo dhex daray alaabo kale sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  ayaa Sheegay in ay gubeen Qaad si qaldan loo soo geliyey Dalka,isaggoo intaa raaciyay in Qaadkan la isku dayey in lagu soo dhex qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

Ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Qaadkasi lagu gubay meel fagaare ah oo ka tirsan gudaha Garoonka.

Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19.

Goobjoog News