U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Saxiixday in Wasaq Dhan 1.5 Million Metric Tonnes Lagu Shubo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda deegaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa bishii January ee sanadkan heshiis la saxiixatay shirkad  lagu magacaabo Chinook Urban Mining oo Ingiriis ah, heshiiska ayaa ahaa  in 1.5 million metric tonnes oo qashin ah oo laga keenayo dalka Libnaan oo lagu shubo Muqdisho.

Warqad ay heshay Goobjoog News oo ku socotay madaxa shirkadda Chinook Mr Tarik Alhadairy, waxaa ku qoran in wasaaradda deegaanka ay u  ogolaatay bishii January 14, 2016 shirkadda Chinook  ay qashin ku shubi karto Muqdisho.

Waxaa kaloo warqadda ku xusan in shirkadda Chinook  ay mashruucan la fulin doonaan labo shirkad oo Soomaali ah, isagoo mashruuca uu soconayo labo sano.

Sida ku qoran warqadda shirkadda Chinook waxaa ay Muqdisho ku shubeysaa qashin dhan ilaa 1.5 million metric tonnes oo isugu jira 52% organic, 12% plastic, 16% Warqad, 6% bir, 4% Dhalo iyo  10% oo waxyaabo kale ah.

Wasaaradda waxaa ay heshiis sidoo kale la gashay labo shirkad oo Soomaali ah kuwaas oo kala ah Somali Water Treatment and Waste Management Company (Sowatco) iyo Africa Waste and Disposal Management Company Limited for Somalia, labadan shirkad waxaa ay Chinook kala shaqeynayaan sidii qashinkaas dalka loogu shubi lahaa.

Heshiiska waxaa ka mid ahaa in Chinook  ay sameyn doonto waxa loo yaqaano  biogas plant oo soo saari doona gas laga dhaliyay qashinka.

Heshiiska Libnaan ayaa ka baxday:

Xiriir ay Goobjoog News la sameysay shirkadda Chinook waxaan wax ka weydiinay arrintan qashinka, Chinook waxaa ay noo sheegeen in dalka Lubnaan uu ka laabtay heshiiskii ahaa in qashinka laga qaado, laakiin  shirkadda ma inkirin in uu jiro heshiiska ay la galeen Soomaaliya.

Goobjoog News waxaa ay xiriiro kale la sameysay wasaaradda deegaanka ee dowladda Soomaaliya laakiin nooma suurogelin, waxaa kaloo aan la xiriirnay wasiirka ganacsiga dowladda federaalka mudane Cabdirashid Mohamed Axmed, Wasiirka waxaa uu Goobjoog News u xaqiijiyay in labada shirkadood ee Soomaalida ah ee wasaaradda deegaanka ay sheegtay in ay heshiis kula gashay in qashinka ay Muqdisho ku shubaan aanay ku jirin shirkadaha diiwaangashan., labadaasi shirkad ayaa kala ah Somali Water Treatment and Waste Management Company (Sowatco) iyo Africa Waste and Disposal Management Company Limited.

Shirkaddan Chinook waxaa ay heshiis noocaan ah horay ula gashay dalka Sierra Leone arrintaas oo qeylo dhaan ay ka dhalatay, dowladda Sierra Leone ayaa mashruucaas inkirtay markii dambe.

Hey’adda Basel Convention Action Network :

Jim Pucket oo ah agaasimaha Basel Convention Action Network ayaa Goobjoog News u sheegay in heshiiskan ay ahayd in ay ka wada hadlaan Soomaaliya iyo Libnaan oo aanay sheekada ku ekaan Chinook iyo Soomaaliya.

Jim Pucket waxaa uu intaa ku daray in uu jiro heshiis kale oo Bamako Convention oo ka mamnuucaya dalalka kale in ay qaaradda Afrika qashin ku shubaan.

Deegaanka ayuu u daran yahay:

Cabdirashid Arte Ceynte  oo bare ka tirsan  Somali University ayaa Goobjoog News u sheegay in heshiiska qashinka  uu khatar ku yahay deegaanka iyo caafimaadka dadka.

Aqoonyahankan waxaa uu leeyahay dadka ag degan goobta qashinka lagu shubo waxaa ku dhici kara cudurro ay ka mid yihiin Cancer kala duwan sida midka maqaarka iyo carruurta dhalaneysa oo saameyn uu ku yeesho.

Cabdirashid Arte Ceynte, waxaa uu ugu dambeyntii soo jeediyay in la helo nidaam dastuuri ah oo looga hortago heshiisyada khatarta ah oo noocan oo kale ah.

Goobjoog News