U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Waqtiga Dib Loo Furayo Duulimaadyada Gudaha

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen wasiiirka gaadiidka iyo duulista Hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiir Ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Aadan Isaaq, madax ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, ururka diyaaradaha iyo sidoo kale Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay in dib loo furi doono duulimaadyada gudaha dalka iyadoo la ilaalinaya sharuucda caafimaadka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay sameeyeen shuruuc lagu hagayo dadka safrayo si loo adkeeyo dadaalada lagu xakameynayo cudurka Coroonavirus.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Axmed Macali Xasan iyo Xasan Xaashi  Muxumed guddoomiyaha Guddiga adeegga diyaaradaha ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dib u furista duulimaadyada dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isaaq ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay fariimo wacyigelin ah oo looga digayo qatarta cudurka COVID-19 dhawaana ay ku wareejin doonaan maamulka garoonka diyaaradaha si bulshada ay ula socdaan fariimahaas.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in bilawga todobaadka soo socdo dib loo furi doono duuliyaadyada gudaha oo muddo xayiraad ugu jiray xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Dhinaca kale Wasiirka Gadiidka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray sida loo dhaqan galiyay sharuucda lagu hagayo dadka safrayo laga bilaabo hoolka Sahal oo ah halka marka ugu hore uu ka bilaabanayo safarka, gelista garoonka iyo sidoo kale ka bixintaanka, iyadoo ay marayaan ilaa shan baaritaan.waxaana sidoo kale la isku raacay in maalintii ay bixi karaan shan diyaaradood oo aadaya shanta maamul goboleedka taasi oo ay isku raaceen Wasaaradda, Hay’adda Duulista Rayidka, maamulka garoonka iyo ururda diyaaradaha matalayay.

Goobjoog News