Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ururka Al-shabaab lagala wareegay 21 deegaan, kadib howlgallo ciidamada dowladda iyo ciidamada macwisleyda ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed.
Degaannada ciidamada dowladda iyo ciidamada macwisleyda ay ururka alshabaab ka qabsadeen ayaa kala ah:-
Hirshabelle-Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.
GALMUDUG-Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.
Koonfur Galbeed-Gobolka Baay: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.
