U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ku wajahantahay degmada Diinsoor

Sheeko:War

Maamulka degmada Qansax-Dheere ee gobolka Baay ayaa sheegay in Degmooyinka Gobolkaasi ay ka bilowdeen Wajiga labaad ee howlgallada Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Afrika AMISOM ay ku doonayaan xasilinta Gobolka.

Guddoomiyaha Degmadaasi Aadan Cabdi Qooqane oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in Ciidamadu ay u diyaar garoobayaan dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab deegaanada ay ka Maamulaan.

Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ayaa xusay in Ciidamadu ay wajiga labaad ee dagaalka looga soo hor jeedo Al-Shabaab ku qaadayaan degmada Diinsoor oo ka maqan Gacanta Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya.