U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ikraan Tahliil Ay Dileen Ururka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil oo horay loo sheegay in ay ku maqan tahay gacanta Taliska NISA.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kadib baaritaanno ay sameeyen ay ku ogaadeen in Marxuumad Ikraan Tahliil ay gacanta u gashay Ururka Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaan lagu sheegin sida ay gacanta ugu gashay Ikraan Ururka Al-shabaab iyo halka lagu aasay .

Qoyska iyo Ehelada Ikraan ayaa horay u sheegay in Gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta Taliska NISA.

Hoos Ka akhriso Qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.