U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 100 xubnood oo shabaab ah lagu dilay hawlgal ay ciidamada sameeyeen

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay sameyeen ciidamada Nabad Sugidda lagu dilay mid kamid ah horjogayaasha ururka alshabaab.

Ciidamada ayaa sheegay in la dilay horjooge Yuusuf Maxamad Jingaab. (Wasiir) oo kamid ahaa ururka alshabaab una qaabilsanaa faafinta figradaha kooxda.

Jingaab ayaa la sheegay in lagu dilay deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishaan.