U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dilay Hoggaamiye Sare oo Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn maalin ka hor ka dhacday xeegaanka Xaramka ee Jubbada Dhaxe, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay lagu xusay in duqeyntaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu dilay horjooge ka tirsan Al-shabaab, kaas oo ku sugnaa deegaanka la duqeeyay.

Hoggaamiyaha la dilaya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Nadiir, kaas oo ahaa mid kamid aas aasayaashii Al-shabaab sida dowladdu sheegtay, waxaa uu hadda ahaa madaxa dacwada iyo wacyi gelinta ururka, horjooganaan ayaa horey madaxiisa dowladda Mareykanku waxaa ay u dul dhigtay lacag, sida NISA ay baahisay .

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya  ayaa waxaa qeyb kamid ah lagu yiri” Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed” iyadoo dhowaan hadal digniin ah uu kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh.

Gabagabadii waxsaxaafadeedka dowladda ayaa waxaa lagu xusay ” Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka horjoogahaan cadawga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed”. kadib duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan Jubbada dhexe.

Goobjoog News