U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag Uga Jawaabtay eedeymo Loo Jeediyay Hay’adda NISA

Sheeko:Amniga

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waa looga jawaabay eedeymo loo jeediyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, eedeyntaas oo lagu daabacay wargeyso ka soo baxa gudaha dalka Kenya.

Wargeysyada ayaa hay’adda NISA ku eedeeyay inay xirirri la leedahay dagaalamayaasha Al shabaab waxaana qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay faafinta warar beenta iyo marin-habaabinta ah ee ku saabsan hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ay daabaceen wargeysyada (The Star Kenya iyo Standard Media Kenya), dowladda Federaalka waxay si xooggan u naqdineysaa weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hey’adaheeda”.

Waxaana dhanka kale dowladda Soomaaliya ay shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday inay iska hubiyaan wararka caynkaan oo kale ah islamarkaana aysan ku kadsoomin.

Halkaan ka akhriso warqadda ka soo baxday dowladda Soomaaliya

Goobjoog News