U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Qaraarka Golaha Ammaanka.

Sheeko:Amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo dhoweyneysay  Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan howlgalka ATMIS oo bedelay AMISOM oo horay ciidan ugu shaqeeyey.

Qaraarka golaha ayaa lagu sheegay in howlagallka ATMIS ay waajibkeedu yahay  in xilliga kala guurka ah kadib uu mas’uuliyadda amniga dalka uu ku wareejin doono ciidamadda xoogga dalka, oo taageero ka hela AMISOM.

Halkaan ka Akhriso Qoraalka dowaldda kasoo baxay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Waajibka cusub ee ATMIS waxa uu ka tarjumi doonaa khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab iyo in la abuuro ciidamo badan oo guurguura si ay u taageeraan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya howlgallada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Goobjoog News