U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Zambia

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saaetay dad Soomaali ah oo lagu xiray gudaha dalka Zambia.

Soomaaliya ayaa shegtay in ay ka walaacsan tahay sida safmarka ah ee muwaadiniinteeda xarigga logu geystay magaalasa Ndole ee dalka Zambia..

” Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay bilaabeyso baaritaanno ku aaddan sidii dadkaas loo xiray .

“waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Markale.

Goobjoog News