U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Duqeymo Ka Dhacay Masaajid Cali Guduud

Sheeko:Amniga
Dowladda federalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howlgalladii ugu dambeeyay oo 48-dii saac ee lasoo dhaafay laga fuliyay qeybo kamid gobollada dalka, gaar ahaan deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ka tirsan Shabeellaha dhexe iyo qeybo kamid ah deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Qoraal kasoo baxay dowladda waxaa lagu sheegay in howlgallo u badnaa dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dalka Turkiga oo ka dhacay Shabeellaha dhexe lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, duqeymaha ayaa ka dhacay deegaanno ku dhow Masaajid Cali Gaduud oo wali la isku hayo.
Ciidanka xoogga dalka ayaa maalintii sedexaad waxaa ay howlgallo iyo abaabul ay ka wadaan meel aan ka fogeyn Masaajid Cali Guduud, kaas oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan, waxaana dhowr jeer ka dhacay deegaanka duqeybo is xigxigay oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Turkiga.

Goobjoog News