U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Howlgal Laga Sameeyay Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishata Galmudug oo taageero ka helaya xooggaga deegaanka ayaa howlagal waxaa ay ka fuliyeen deegaanno ka tiran gobolka Mudug, howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka u dhaxeeya magaalooyinka Qeycad iyo Bacaadweyne oo lagu magacaabo Shabeellow.

Warsaxaafadeed  kasoo baxay wasaaradda faafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan oo qeyb ka ahaayeen saaxiibada caalamiga ee ka dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-shabab lagu dilay 80 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab sida lagu xusay qoraalka ay baahisay dowladda federalka.

Deegaanka  ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo dhaxeeyay ciidanka huwanta iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kale duwan, waxaana markaas ka dib xigay duqeymo deegaanka laga fuliyay, iyadoo lagu xusay qoraalka wasaardda in goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen.

Ciidanka dowladda, kuwa Daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya xoogga dib-u-xoreynta ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin dagaalmayaasha Al-shabaab, tii oo ay jirto in dhowr iyo toban sano kadib Al-shabaab laga saaray Xarardheere.

No photo description available.

Goobjoog News