U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarkii hubeysnaa ee Saaxdheer

Sheeko:Dalka

Mogadishu, 29 August 2014 – Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey mowqofka Dowladda Federaalka ee ku aadan weerarkii hubeysnaa ee shalay ka dhacay deegaanka Saaxdheer. Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay weerarka hubeysan ee ka dhacay degaanka Saaxdheer, kaas oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.”

Wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado warar colaadda sii hurinaya xaaladana uga sii daraya. Dowladdu waxay aamminsan tahay in ay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin in ay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darted waxaan ku baaqaynaaa in dadkii lagu qabtay Saaxdheer la sii daayo xuriyadoodana loo soo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isu soo dhawaanshaha.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgelyo, xasilooni iyo horumar taas oo ku imaan karta isxaqdhowr, isfaham iyo wadahadal lagu xalliyo wixii is afgranwaa ah ee jira. Sidaas darteed waxaan dhinacyada oo idil ugu baaqaynaa una soo jeedinaynaa in la wada hadlo caqliguna uu taliyo.”

DHAMAAD