U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay geerida hogaamiyihii Al-shabab

Sheeko:Dalka

Ka dib iskaashi buuxa oo dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka, toddobaadkan gudihiisa waxay ciidammada Mareykanku weerar ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo uu la socday Hoggaamiyaha kooxda arga-gixisada ah ee al Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo rag isaga la shaqeeya. Waxaan xaqiijinnaynaa in markii weerarku dhacay dadkii kolonyadaas la socday aan qofna ka badbaadin. Ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Al Shabaab oo hore looga qabsaday degaannadii ay xoogga ku joogeen haddana la dilay hoggaamiyahoodii waxaan u aragnaa in uu macnaheedu yahay in uu dumay mid ka mid ah tiirarka colaadda Soomaaliya.

Sidaa darteed ma aragno sabab ay dhallinyarada Soomaaliyeed u sii wadaan dagaal ay maalmo koobani ka hareen.  Waxaan dhallinyarada la marin habaabiyay ugu baaqeynaa in ay hubka dhigaan, kana tanaasulaan shirqoolka iyo falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka. Taas oo waddada u xaareysa in si buuxda looga howlgalo dib u dhiska dalka.

Waxaan uga digeynaa qof kasta oo isku daya in uu qaato kaalintii Axmed Godane si uu u sii wado falalkii gurracnaa ee uu ku howlanaa Axmed Godane, in Dowladda Soomaaliyeed iyo saaxibbadeed ay ka qaadi doonaan tallaabo la mid ah tan Axmed Godane laga qaaday.

Dowladda Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Mareykanka iyo shakhsiyaadka ka tirsan ciidammada amniga Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay howlgalkaas guusha ku dhammaaday.