U bood dhigaalka

Dowladda Soomaliya Oo Xayiraado Looga Hortagayo Xanuunka Corona ku Soo Rogtay Shacabka

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqday in gebi ahaan la xirayo gobaha ay dadka isugu yimaadan sida Goobaha waxbarashada .

Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe ayaa ku dhawaaqay in muddo laba isbuuc ah xayiraad lagu soo rogay goobaha ay dadka isugu yimaadan.

Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda ayna ka soo shaqeyn donaan guryahooda halka shaqalaha lagama maarmaanka ah oo keliya loo ogolaan doono in ay yimaadan xarumaha shaqada.

Wasiirka ayaa ku Amray shacabka in ay xirtaan qalabka Afsaabka(Face Mask) si looga hortago qatarta uu xanuunka ku faafi karo.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in laga bilaabo 03/032021  illa 17/03/2021 ay xirnaandonan goobahaas aan soo sheegnay.