U bood dhigaalka

Dowladda Sucuudiga oo Rajo Ka Muujiyay in Xabad Joojin Rasmi ah Gaaraan Dhinacyada Sudaan

Sheeko:Amniga

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay rajaynaya in wada-hadallada ka furmay magaalada Jeddah ee u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ay keenaan xabbad joojin waxtar leh.

Sacuudiga ayaa sheegtay in labada dhinacba ay garwaaqsadeen baahida loo qabo in la yareeyo dhibaatada lagu hayo shacabka , in la xaqiijiyo gaarsiinta sahayda gargaarka ee dadweynaha iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyada Suudaan oo markii ugu horeysay ku kulmay magaalada Jiddah tan iyo markii uu dagaalku qarxay in ka badan saddex todobaad ka hor.

Dhinaca kale,madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa Axadii gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya si xabad joojin loo dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan.

Dhowr xabad joojin ayaa burburtay tan iyo markii uu dagaalku billowday,waxaana dagaalada socda ku dhintay Boqolaal qof,halka ku dhawaad ​​450,000 oo rayid ah ay ku barakaceen dalkaasi.

Goobjoog News