U bood dhigaalka

Dowladda Sucuudiga oo Sanadkaan Hakisay Xujeyda Ka Imaaneysa Dalka Dibaddiisa

Sheeko:Amniga

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkaan joojisay Muslimiinta Xujeyda ah oo sanad weliba u soo cibaado taga dalkaasi, waxaana kaliya loo ogolaaday kuwa jooga gudaha dalkaas in ay gudan karaan Xajka sanadkaan.

Dowladda ayaa sheegtay in sababta ay tahay ka fogaansho, faafitaanka xanuunka COVID-19, iyadoo laga diiwaan geliyeyey 161,005 dalka xaaladood oo cudurka Caronavirus  ah iyo 1,307 dhimasho ah.

“Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa ka qeyb qudan doonta waajibaadkaas” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda Boqortooyada Sucuudiga.

2 milion oo Muslimiin ah  kuna  susan gudaha dalka, ayaa ka faaiideysan doono Xajka, kuwaas oo aan u dhalan Sucuudiga , waxaana uu  nasiibku  u saamaxay in ay gutaan waajibaadka Xajka.

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa horay u joojisay isku imaatinka Muslimiinta ee Xarameynka, sababo la xiriira xanuunka COVID-19, waxaana dalka laga diiwaan geliyey kiisas badan, waxaana jiray tiro dad ah oo u geeriyooday.

Goobjoog News