U bood dhigaalka

Dowladda Talyaaniga Iyo UNHCR Oo Kala Saxiiday Heshiis Lagu Caawinayo Qaxootiga Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Fabrizio Marcelli, iyo ku simaha wakiilka gaarka ah ee Somalia Ms. Bushra Halepota, ayaa wada saxiixday heshiis lacageed oo lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed.

Munaasabadan ayaa dhacday iyadoo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gudiga qaranka ee qaxootiga Soomaaliyeed iyo dadka gudaha dalka ku barakacay Mr. Axmed Nuur, safiirka Soomaaliya u Fadhiya Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuul ka socday UNHCR iyo ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda  carruurta iyo tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Heshiiska ayaa lagu sheegay in dowladda talyaaniga ay ugu deeqday hay’ada UNHCR 1 Milyan oo Yuuro ah si loogu caawiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ka imanaya dalka Yemen, islamarkaana laga taageero sidii ay uga mid noqon lahaayeen qaxootiga kale ee gudaha Soomaaliya ku sugan.

Qorshaha heshiiska waxaa sidoo kale ka mid ah in qaxootiga kasoo cararaya  dagaalada ka socda dalka Yemen ee gaara waqooyiga Soomaaliya la gaarsiiyo caawinaad ismarkaana si nabad ah lagu gaarsiiyo meelihii ay horey uga yimaadeen ee ku kala yaalla gobolada dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Tilaabadan ayaa ah mid dowladda talyaaniga ay doneyso iney ku caawiso dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed iyadoo usii marsiineysa hay’adda UNHCR si wax looga qabto xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowladda Talyaaniga ayaa horey u bixisay qarash gaaraya 4.7 million oo Yuuro ah kuwaasoo ay ugu talagashay in wax looga qabto hawlaha gargaar ee Soomaaliya.

Goobjoog News