U bood dhigaalka

Dowladda Talyaaniga oo ka walaacsan khilaafka madaxda dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arimaha dibadda dowladda Talyaaniga ayaa shaacisay sida ay uga wal walsantahay is maandhaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Riisul wasaarihiisa Cabdiwali Sheekh Axmed.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxa lagu sheegay hadii qilaafkaan uu sababo in Xukuumadda kalsoonida lagala laabto ka hor shirka Denmark ee arimaha Soomaaliya ay taa noqon doonto hagal daaco ka timaada daganaantii ka jirtay dalka .

Waxa ay ka digtay wasaaradda sidoo kale in ay dhacdo dhibaato xukuumadeed ka hor shirka Denmark ee loo madalsanyahay 19 ilaa 20 bishaan .

Caqabad ayeey ku noqon kartaa howlihii xasiloonida ee dowladda dalka ay ka waday iyo sidoo kale taageerada beesha caalamka oo laga yaabo inay noqoto mid dib loo eego, ayaa qoraalka kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Talyaaniga lagu yiri.

Wasaaradda ayaa khilaafkaan ku sheegtay in si sahlan lagu xalin karo, hase ahaatee taasi bedalkeeda ay tahay in hadii xaaladda sidaan ku socoto in shacabka ay dhibaato iyo niyad jab u keento.

Ugu dambeen wasaaradda Arimaha dibadda dalka Talyaaniga ayaa muujisay in gabi ahaanba ay aad uga xuntahay khilaafka hadda ka dhex aloolsan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa Tarjumay Wariye Ismaaciil Maxamed Samatar

Goobjoog News