U bood dhigaalka

Dowladda Talyaaniga Oo Qalab Dabdamis Ah Ku Wareejisay Maamulka G/Banaadir

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxa uu maanta la kulmay sartaakiil ka socotay dowladda Talyaaniga, waxa uuna kala wareegay qalab dabdamis oo casri ah.

Waxa uu Yariisow uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga qalabkaan ay ku wareejisay gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay mudnaan siin doonaan sidii adeegyada dabdamiska u noqon lahaayeen kuwo dhammeystiran oo baahida gobolka daboola.

“Waxaan uga mahadceliyaa Saraakiisha ka socota Qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dawladda Talyaaniga oo maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si ay noogu wareejiyaan agabkan casriga ah ee lagu horumarinayo Dabdamiska Caasimadda, tani waa bilow waxaana rajeynayaa in waqtiyada dhow ay sii socon doonto kaalmada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda”

Sarkaa ka mid ah saraakiishii la kulantay guddoomiye Yariisow ayaa isna dhankiisa sheegay in ulajeedka ay qalabkaan u keeneen ay tahay sidii shacabka Muqdisho uga caawin lahaayeen baahidooda dhanka dabdamiska ah.